Raaxada Jirka 5 (Full) - Ku Raaxayso Noloshaada

Abubakar Mohammed - Un podcast de Abubakar Mohammed

Catégories:

Qaybta 5aad: Raaxada Jirka: Daryeelidda jirkaagu saamayn aad u weyn bay ku yeelataa ku raaxaysiga noloshaada. Nabiga scw wuxuu inoo tilmaamay in qofka naftiisa ay xaq ku leedahay. Qaybtani waxay si dhab ah kaaga caawin doontaa: Sida aad u daryeeli lahayd caafimaadkaaga. Sida aad ku heli lahayd dhammaan maaddooyinka jirka u baahanyahay. Sida aad u ilaalin lahayd nadaafadda jirkaaga. In aad maalin walba samaysid jimicsi fudud. In aad heshid hurdo kuugu filan iyo daawada hurdo la’aanta. In aad aaddid safar, si jirkaaga firfircooni u helo iyo faa’idooyinka uu leeyahay safarku.